Dowladda isku tagga Imaaraatka Carabta ayaa galabnimadii shalay ku dhawaaqay, in aysan u hogaansamaynin go’aanka kasoo baxay xukuumadda Suudaan oo xiriirkii diblumaasiyadeed loogu jaray.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Imaaraadka Carabta ayaa war ay soo saartay ku sheegtay, in Imaaraadku uusan aqoonsanayn go’aanka maamulka Boort Suudaan, iyagoo u tixgaliyay inuu yahay maamul aan matalin dawladda sharciga ah ee Suudaan iyo shacabka dalkaas, waa sida ay hadalka u dhigtaye.
Waxa ay intaasi ku dartay, in qoraalka ka soo baxay malatariga Suudaan uusan wax saameyn ah ku yeelan doonin xiriirka xooggan ee u dhexeeya Imaaraadka iyo Jamhuuriyadda Suudaan, iyadoo aan cadaynin cidda ay tahay Jamhuuriyadaas uu xiriirka adag kala dhaxeeyo, maadaama xukuumadda Suudaan ay ku tilmaameen mid aan sharci ahayn.
Si kastaba ha ahatee Talaadadii ina dhaaftay ayay ahayd, markii ay xukuumadda Suudaan ee uu majaraha u haayo C/Fattaax Al-Burhaan ay ku dhawaaqay, inay jartay xiriirkii diblumaasiyadeed ee ay la lahaayd Imaaraadka Carabta, iyadoo sheegtay, inuu Imaaraadku qayb ka yahay dagaalka ka socda dalkaas, uuna taageerayo maleeshiyaadka Dacmu Sariic ee xasuuqyada ba’an ka geysanayo dalka Suudaan