Dawladda Ingiriiska oo Cunaqabatayn Cusub ku soo Rogtay ku Dhawaad ​​100 Markab oo Laga Leeyahay Dalka Ruushka.

18
0

Dawladda Ingiriiska ayaa ku dhawaaqday cunaqabatayn cusub oo ay saartay ku dhawaad ​​100 markab oo ah nooca xamuulka qaada, kuwaas oo laga leeyahay dalka Ruushka, tallaabadaan ayay dawladaha reer galbeedku ugu tala galeen inay ku wiiqaan awoodda xukuumada Moscow, taas oo horay u hareerro martay cunaqabateynta reer galbeedka ee la saaray tan iyo bilowgii dagaalka Yukrayn 2022-kii.

Cunaqabatayntan ayaa lagusoo rogay maraakiibta qaada shiidaalka iyo qaar kamid maraakiibta xamuulka, kuwaas oo la rumaysan yahay in loo isticmaalo tahriibinta wax soo saarka tamarta Ruushka, si dadbanna loogu dhoofiyo suuqyada caalamka, xayiraadan ayaa qeyb ka ah dadaalka ballaaran ee lagu kordhinayo cadaadiska dhaqaale ee saaran Kirimiliinka.

Dawladda Ruushka ayaa wajahaysa cadaadis balaaran oo dhanka dhaqaalaha ah, arrintan ayay dawladaha reer galbeedku kaga gol leeyihiin inay kaga hortagaan qulqulka ciidamada Ruushka ee kusoo wajahan qaaradda Yurub, xaladan ayaana soo xoogaysatay tan iyo markii uu qarxay dagaalka Ruushka iyo Yukrayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here