Maleeshiyaadka RSF oo Geystay Xasuuq Cusub oo ay Ku Nafwaayeen Inka Badan 10 qof oo Shacab ah, iyagoo Markale Duqeymo ku garaacay Magaalada Boort Suudaan.

19
0

Maleeshiyaadka Tageerada Deg-degga ah ee dagaalka ba’an kula jira malatariga Suudaan ayaa lagu soo waramayaa, inay xasuuqyo cusub ka geysteen gobalka Waqooyiga Darfur ee galbeedka dalkaas.

Kooxa gurmadka deg-degga ah ee kaamka Abuu Shook ee Waqooyiga Darfur ee dalka Suudaan ayaa sheegay, in 14 qof ay ku dhinteen kuwa kalena ay ku dhaawacmeen madaafiic ay ciidamada Taageerada Degdega ah ku garaaceen xeradaasi, iyadoo barakac aad u ballaaran uu weli ka socdo deegaankaas, halka ay jiraan xaalado bini’aadantinimo oo aad u adag.

Xogaha ayaa intaasi ku darayo, in dadka xasuuqaasi ku baxay ay ka mid ahaayeen 10 qof oo isku qoys ah, sida ay kooxa gurmadka deg-degga ah ee kaamkaasi ku sheegeen qoraal ay soo dhigeen bartooda Facebook-ga.

Geesta kale, ilo wareedyo ayaa kusoo waramay, in subaxnimadii hore ee maanta oo sabti ah ay diyaaradaha aan duuliye lahayn ee xoogagga Tageerada Degdegga ah ay weerar ku qaadeen magaalada Boort Suudaan ee xarunta xukuumadda Suudaan, taas oo noqonaysa maalintii toddobaad oo xiriir ah oo ay weerar ku qaadayaan magaaladaasi.

Inkastoo aan la shaacin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeymahaas saaka lala beegsaday magaalada Boort Suudaan, haddana waxa uu kusoo beegmayaa, xilli Shirkadda Korontada ee Suudaan ay Jimcihii ku dhawaaqday in xarunta Taransafoork Korontada ee magaalada Cadhbara ay weerar ku qaadeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee maleeshiyaadkaas, taasoo keentay in dab xooggan uu ka kaco xaruntaas iyo inay koronto la’aan ka dhacdo gobollada Webiga Niil iyo Badda Cas, halkaas oo ay ku taallo magaalada Port Suudaan.

Maalmihii lasoo dhaafay ciidamada Taageerada Degdegga ah ayaa xoojiyey weerarada ay ku hayaan magaalada Port Suudaan ee xurunta ku meel gaarka u ah xuukuumadda uu hogaamiyo C/Fataax Al-Burhaan, iyagoo sidoo kale Todobaadyadii la soo dhaafay awoodooda isugu geeyay magaalada Al-Faashir ee xarunta gobolka Waqooyiga Darfur iyo labada xero ee kala ah Zamzam iyo Abuu Shook ee magaaladaasi u dhow, kuwaas oo doonaya inay magdhow ka bixiyaan khasaarihii ka soo gaaray caasimadda Khartuum dabayaaqadii bishii Maarso ee lasoo dhaafay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here