Dalalka Hindiya iyo Pakistan ayaa maanta ku dhawaaqay, inay gaareen heshiis xabbad-joojin degdeg ah, maalmo kadib markii labada waddan ay isweydaarsadeen weerarro dhanka cirka ah, oo ay ku nafwaayeen tobanaan qof.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Hindiya ayaa sheegtay, in xabbad joojintu ay bilaaban doonto maanta oo Sabti ah, iyadoo intaasi ku dartay, in taliyeyaasha hawlgallada ee ciidamada Hindiya iyo Pakistan ay isla garteen, in labada dhinacba ay xabadda joojiyaan oo ay wada-hadlaan mar kale Isniinta soo socota.
Dhankiisa, wasiirka arrimaha dibadda ee Pakistan Maxamed Isxaaq Daar ayaa xaqiijiyay xabad-joojintaan, isagoo tilmaamay, in ku dhawaad 30 dal ay ka qeybqaateen dadaallo diblumaasiyadeed oo firfircoon oo lagu joojinayo dagaalka.
Labadan quwadood ee ku hubaysan hubka Nukliyeerka ah ayaa duqeymo ay dad badan ku dhinteen is weydaarsanayay tan iyo Arbacadii, markaasoo Hindiya ay weerarro cirka ah ku qaaday goobo ku yaalla gudaha Pakistan , kadib weerar dhiig badan ku daatay oo dabayaaqadii bishii hore lala beegsaday dalxiisayaal ku sugnaa qaybta ay Hindiya ka maamusho gobalka Kashmir.