Tobanaan Qof oo Dhimasho iyo Dhaawac ku Noqday Duqayn ka Dhacday Xabsi ku Yalla Dalka Suudaan Iyo Ciidamada Dalkaas oo Burburiyay Kaydkii Hubka ee Xooggaga RSF.

17
0

Xooggaga Dacmu Sariic ayaa duqaymo wuxuushnimo ah shalay galinkii dambe ku beegsaday xabsi ay ku xirnaayeen dad badan oo Suudaaniyiin ah, kuwaas oo gacanta ugu jiray ciidamada dawladda Suudaan, waxaana dhimasho iyo dhaawac ku noqday duqayntaas tobonaan qof oo maxaabiis ahaa.

Ilo caafimaad oo Suudaaniyiin ah ayaa u xaqiijiyay, in weerarkan ay ku dhinteen illaa 24 qof, halka ay ay dhaawacmeen 41 kale, kaddib weerar cusub oo ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee maleeshiyaadka Dacmy Sariic ay ku qaadeen xabsi ku yaalla magaalada Al-Cubaydah ee xarunta gobolka Waqooyiga Kordofan.

Dhinaca kale, wakaaladda wararka ee Faransiiska ayaa sheegtay, iyadoo soo xiganaysa ilo milateri, in diyaaradaha ciidamada Suudaan ay duqeeyeen fariisimaha xooggaga RSF ee ku yaalla magaalooyinka Nyala iyo Al-Genina ee kawada tirsan gobolka Darfuur, halkaas oo ay ku burburiyeen bakhaarradii ay hubka ku kaydsan jireen ciidamada Taageerada degdegga ah.

Isla shalay galinkii hore maleeshiyaadkan ayaa duqayn tan lamid ah ku bartilmaameedsaday xereeyin barakacayaal ah, halkaas oo ay ku dileen tiro dad ah oo aan waxba galabsan, waxaa sidoo kale halkooda kasii socda beegsiga ay maleeshiyaadkan ku hayaan magaalada Boort-Suudaan oo ah xarunta ku meel gaarka ah ee maamulka dawladda Suudaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here