Putin: Waxaan Diyaar u Nahay inaan Wada-Hadallo Toos ah la Galno Ukraine.

22
0

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa shaaciyay, inuu diyaar u yahay wadahadal toos ah oo shuruud la’aan ah oo uu la galo dowladda Ukraine, kaas oo uu sheegay, inuu Khamiista soo socota ka qabsoomi doono magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Mosko, ayuu Putin ku sheegay, in dalkiisu uusan waligiis diidin wadahadal uu la galo Ukraine, isagoo intaa ku daray, in Ruushka uu diyaar u yahay inuu galo wadahadal dhab ah.

Dhankiisa, kaaliyaha madaxweynaha Ruushka ee arrimaha dibadda ayaa sheegay, in wafdi ka socda Ruushka ay u amba bixi doonaan magaalada Istanbuul, isla markaana dhawaan la shaacin doono tafaasiil ku saabsan wafdigaas.

Hadalladaan ayaa imaanayo, iyadoo madaxwaynaha Ruushka Vladimir Putin uu bilhii lasoo dhaafay dhawr mar sheegay, inuusan wada-hadal toos ah la gali doonin xukuumadda Kyiv, isagoo arintaasi u sababeeyay, in madaxwaynaha Ukraine uusan ahayn mid sharci ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here