Inka Badan 100 Qof oo ku Dhintay Daadad Xooggan oo ku Dhuftay Bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.

13
0

Daadad xooggan oo ka dhashay roobab mahiigaan ah ayaa ku dhuftay tuulooyin dhaca bariga dalka Koongada dimuqraadiga ah, halkaas oo ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen dad aad u badan oo ay ku jireen haween, caruur iyo dad waayeel ah.

Ugu yaraan 104 qof ayaa ku dhintay tobanaan kalena waa ay ku dhaawacmeen, kaddib markii daadad xooggan ay ku dhufteen tuulada Kasaba oo ku taalla agagaarka harada Tanganyika ee bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo, sida ay sheegeen mas’uuliyiin maxalli ah.

Dhanka kale, mid ka mid ah dadka u dhaqdhaqaaqa bulshada ayaa sheegay, in maydadka 119 qof la helay fiidnimadii Sabtida, isagoo ka digay in tirada dhimashadu ay sii korodho, taas oo sii xoojinaysa  hawlgallada lagu baadi goobayo dadka ay biyuhu qaadeen.

Musiibadan dabiiciga ah ayaa ku soo beegantay xilli xasaasi ah oo dalkaasi uu si gaar ah u saameeyay dagaalada culus ee ka socda, iyada oo bariga dalkaas ay ka jiraan xiisado hubaysan oo sii kordhaya, kuwaas oo u dhaxeeya  Kooxda falaagada ah ee M-23 ee lagu eedeeyo dawladda Ruwanda inay taageerto iyo xukuumada fadhigeedu yahay magaalada Kinshaasa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here