Kayaanka Sahaayinada ayaa qaar kamida ciidamadiisa kala baxay dhulka ay Suuriya xooga kaga haystaan, kuwaas oo la sheegay inay ka qayb qaadan doonaan xasuuqa ay Yahuuddu ku wado marinka go’adoonsan ee Qazza.
Maamulka ciidamada Yahuudda ayaa shalay Axadii ku dhawaaqay, in ay gabi ahaanba guutada Batroobaas ee ka tirsan ciiidamadooda kala baxayaan gudaha Suuriya, si ay ugu diyaar garoobaan ballaarinta howlgallada dhulka ah ee ay ka wadaan marinka Qazza.
Ciidamadan cusub ee lagu daabulayo marinka Qazza ayaa imaanaysa, iyadoo maalmihii u dambeeyay ay Yahuuddu Marinka Qazza kala kulmayeen weerarro iyo kamaa’in lagu laayay tiro askar ah oo iskugu jiray saraakiil iyo ku xigeeno, kuwaas oo dhamaantood lagu dilay gudaha marinka Qazza.