Inka Badan 20 Qof oo lagu Dilay Weerar ka Dhacay Dalka Nigeria ee Dhaca Qaaradda Afrika.

14
0

Deblay hubaysan oo aan heybtooda la garanaynin ayaa todobaadkii hore weerar ku qaaday dad beeralay iyo kaluumaysata isugu jira oo ku nolaa gobolka Borno ee ku yaalla waqooyi-bari ee dalka Nigeria.

Ilo-wareedyo dhanka ammaanka ah iyo dadka deegaanka oo la hadlay wakaaladda wararka ee Royratis ayaa sheegay, in kooxdaasi ay dileen ugu yaraan 23 qof oo beeraley iyo kalluumaysato ah, iyagoona qaar kale noolasha ku watay.

Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay, in dableyda ay hal goob isugu keeneen dad isugu jira beeraley iyo kalluumeysato, kadibna ay gobtaasi ku toogteen 23 ruux oo u badnaa beeraley, halka uu ka badbaaday nin oday ah oo markii dambe bulshada deegaanka uga warbixiyay falkaasi.

Gobolka Borno ee dalka Nigeriaa  ayaa muddooyinkii dambe waxaa ku sii kordhayay weerarada ay geysanayaan kooxa abaabulan, iyadoo sidoo kale, gobalkaasi laga soo calaamadeeyay iska hor imaadyo dhexmaray dadyaw xoolo dhaqato iyo beeraley ah, kuwaas oo sababay dhimashada iyo dhaawaca dad fara badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here