Yahuudda oo ku Dhawaaqday Dilka Mas’uul Sare oo Ka Tirsanaa Ururka Shiiciga ah ee Xisbullaah.

12
0

Diyaaradaha Yahuudda ayaa xalay duqayn ka gaystay koonfurta Lubnaan gaar ahaan degmada Xawlah, halkaas oo uu ku dhintay mid kamida saraakiisha ugu saraysa ee ururka Shiiciga ah ee lamagac baxay Xisbullaah, ninkan ladilay ayaa lagu magacaabaa Ciisa Qatiish.

War-saxaafadeed kasoo baxay ciidamada Yahuudda ayaa lagu sheegay dilka loo gaystay higaamiyahan, iyada oo kooxda Shiicada ah ee Xisbullaah aysan wax war ah kasoo saarin arriintan, halka maamulka Caafimaadka ee Lubnaan uu ku dhawaaqay dhimashada hal qof, kaddib duqayn ka dhacday degmada Xawlah ee Koonfurta Lubnaan.

Hawgalkan ayaa yimi saacado un kaddib markii diyaarad aan duuliye lahayn oo ay leeyihiin ciidamada Yahuuddu ay bam ku turtay gaari marayay halka loo yaqaano Daahira, kaas oo uu soo gaaray burbur xooggan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here