Duuliyayaasha Diyaaradaha Gumaystaha Yahuudda oo Xanuuno Nafsi ah ka Qaaday Xasuuqyada ay ka Wadaan Marinka Qazza.

14
0

Alon David, oo ah falanqeeyaha arimaha difaaca ee kanaalka 13-aad ee Yahuudda, ayaa shaaca ka qaaday, welwelka sii kordhaya iyo xasillooni darrada ka dhex jirta ciidamada Cirka ee Yahuudda, taas oo ka dhalatay ka qayb qaadashada duqeymaha cirka ee Marinka Qazza. Waxa ay Duuliyayaashaasi bilaabeen, inay su’aal iska waydiiyaan faa’idada laga gaaray duqeymahaas iyo qiil u helida howlgalladan.

Alon waxa uu sheegay, in uu la hadlay tiro ka mid ah ciidamada cirka ee Yahuudda, kuwaas oo bilaabay, in ay muujiyaan sida ay uga xun yihiin duqeymaha cirka ee dhawaan ka dhacay marinka Qazza.

Waxa uu sharraxay, in ay jirto aaminsanaan baahsan oo ka dhex jirta shakhsiyaadkan oo ah, in Yahuudda ay hadda ku jirto xaalad dagaal oo ay iyadu dooratay, dagaalkaas oo siyaasad ahaan kasii liita duulaankii ay 7 Oktooba sanadkii 2023-ka ku qaaday marinka Qazza.

Waxaana qalqal iyo deganaan la’aan xooggan laga dareemayaa ciidamada cirka ee kayyaanka Yahuudda, kuwaas oo garowsaday, in duqeymaha ay ka wadaan marinka Qazza ay ku xasuuqayaan boqolaal shacab maras ah oo u badan haween iyo carruur, sida uu sheegay mawqica “The Taymis of Israa’iil”.

Falanqeeyaha arimaha difaaca ee Kanaalka 13-aad ee Yahuudda ayaa tibaaxay, in ciidamada cirka ee gumaystaha ay hadda is waydiinayaan, haddii weerarradani ahaan la haayeen kuwo marmarsiyo leh ama u adeegayo ujeedooyin dhab ah.

Arintaan ayaa imaanaysa, iyadoo Ra’iisul wasaarihii hore ee Yahuudda  Ehud Olmert uu sheegay, in waxa uu kayyaankooda hadda ka wado Qazza ay yihiin dambiyo dagaal, kuwaas uu sheegay, in lagu dilay, Kumanaan qof oo raiyd aan waxba galabsanin ah, isagoona dhanka kale qiray, in marinka Qazza ay ku waayeen askar badan oo Yahuud ah.

Wareysi uu siinayay mid kamida warbaahinnada Ingariiska ayuu Ra’iisul wasaarihii hore ee Yahuudda afka ku balbalaariyay, in dagaalka uu kayyaan Yahuuddu ka wado marinka Qazza usan lahayn haba yaraatee wax hadaf ah, uusana horseedi karin fursad lagu badbaadiyo nolosha maxaabiistooda wali ku jeebaysan jeelalka muqaawamada Falastiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here