Inka Badan 400 oo Qof oo kasoo Jeeda Muslimiinta Rohingaha oo ku Geeriyooday Doonyo kula Qalibmay Xeebaha Dalka Mayanmaar.

6
0

Wararka ka imaanaya dalka Mayanmaar ayaa sheegaya, in xeebaha dalkaas ay ku dageen balo doonyood oo siday dad badan oo kasoo jeeda qawmiyada Rohingaha ee muslim ah, kuwaas oo ka barakacay dagaalada iyo cadaadisyada uga imaanaya xukuumada buudiiska ah ee ka jirta dalkaas.

in ka badan 400 oo qof oo Rohingya ah ayaa ku dhintay Labo doonyood oo ku dagay  xeebaha Mayanmaar. Doonida koowaad oo siday 267 qof ayaa quustay, iyada oo ay ka badbaadeen 66 qof oo kaliya. Halka doonida labaadna ay siday 247 qof, iyadana waxaa ka  badbaaday 21 qof oo keliya.

Sanadihii u dambeeyay, kumannaan qof oo kasoo jeeda qawmiyada Rohingaha ee Muslimka ah,  ayaa wajahayay barakac baahsan, kuwaas oo u tahriibay dalalka dariska la ah Mayanmaar, si ay u helaan nolol ka wanaagsan mida gumaysi ee ay ku jiraaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here