Golaha Senatka ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ayaa si aqlabiyad leh ugu codeeyay, in xasaanadda laga qaado madaxweynihii hore ee dalkaas Joozeef Kabiila, taasoo u gogol xaareysa maxkamadeyntiisa, kadib markii lagu soo eedeyay khiyaano ka dhan ah dowladaas iyo dembiyo dagaal oo la xiriira inuu gacan-saar la leeyahay fallaagada hubaysan ee M-23 ee ka dagaalanta bariga Koonga, taas oo ay taageerto dowladda Ruwaanda.
Ansixinta golaha sanatarrada ee dalkaas ayaa daba socotay codsi rasmi ah oo kaga yimid xeer ilaaliyaha guud ee ciidamada Koonga, waxaana in xasaanadda laga xayuubiyo madaxweynihii hore ee Koonga u codeeyay 88 sanatar halka 5 xubnood oo kaliya ay diideen.
Joozeef Kabiila ayaa dhankiisa go’aankaani xasaanadda looga qaaday ku tilmaamay, mid sharci-darro ah iyo in loo janjeero dhanka kali talisnimada, isagoo ku eedeeyay xukuumadda Kinshaasa inay garsoorka u adeegsanayso sidii qalab siyaasadeed.
Talaabadan xasaanadda looga qaaday, Madaxweynihii hore ee Koonga Joozeef Kabiila ayaa noqon karta mid sii cakirta xaaladda amni iyo tan siyaasadeed ee ka taagan gudaha Koongada Dimuqraadiga ah.