Mid kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ku ah dowlada federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in dowladdu ay sadaxdii sano ee lasoo dhaafay dalka ka geystay tacaddiyo kala duwan.
Diini Maxamed Diini oo ah hogaamiyaha Ururrada Bulshada Rayidka ah oo taageero ka hela qaar kamid ah wadamada Shisheeye, ayaa waxa uu sheegay in dowladda fedaraalka ay noqotay tii ugu darneed ee soo marta dalka Soomaaliya, islamarkaana ay guud ahaan dalka si gaar ah magaalada Muqdisho ay ka geysatay gaboodfallo kala duwan.
Diini ayaa sheegay in lacago badan oo xad-dhaaf ah dowladda Fedaraalka ay kusoo rogtay ganacsatada magaalada Muqdisho, sidoo kalana ay masuul ka tahay tahriibka dhalinyarada oo waayadii lasoo dhaafay sii xoogeystay.