Wadahadalo Rasmi ah oo Ruushka iyo Yukrayn uga Furmay Magaalada Istanbuul ee Dalka Turkiga.

11
0

Wadahadallo cusub oo u dhexeeya Ruushka iyo Yukrayn ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga, kuwaas oo ujeedkoodu yahay in la gaaro xabbad-joojin rasmi ah, si loo soo afjaro dagaalka seddexda sano socday ee u dhaxeeya labada dhinac. Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga Haakan Fidan, ayaa carrabka ku adkeeyay in wareegga labaad ee wadahadalladu ay si gaar ah diiradda u saari doonaa joojinta colaadda iyo tallaabooyin lagu dhisayo kalsoonida.

Wafdiga Yukrayn ku matalaya shirka ayaa sheegay, in dalkoodu diyaar u yahay inuu qaado “tallaabooyin waaweyn oo nabadeed”, iyaga oo sheegay inay qorshe cad oo ujeedkiisu yahay horumar dhab ah ay markan doonayaan inay shirka kala laabtaan. Dhanka kale, wafdiga Ruushka oo uu hoggaaminayo la-taliyaha Madaxweynaha Ruushka, ayaa habeen hore gaaray Istanbuul, taasoo muujinaysa in labada dhinacba ay si dhab ah u daneynayaan wada-xaajoodkan.

Si kastaba ha ahaatee, kulankan ayaa kusoo beegmaya xili xasaasi ah oo ay labada dhinac is waydaarsanayaan weerarro culus, waxaana u dambeeyay duulaankii ay ciidamada Yukreen ku burburiyeen in kabadan 40 diyaaradood oo istaraatiiji ah oo ay lahaayeen ciidama Ruushka, Moskow ayaana dhankeeda wacad ku martay inay qaadi doonto weerar culus oo saamayn doona magaalooyin waawayn oo kamid ah Yukrayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here