Wararka ka imaanaya ilo warbaahineed dhanka gumeystaha Yahuuda ah ayaa sheegaya in saddex askari oo ka tirsan ciidanka gumeystaha Yahuudda lagu dilay halka 11 kale lagu dhaawacay kadib weerar xooggan oo lala beegsaday gaari ciidan oo marayay deegaanka Jabaliya ee waqooyiga Marinka Qaza.
Weerarkan ayaa lagu sheegay inuu ahaa mid si gaar ah loo bartilmaameedsaday kolonyada ciidamada Yahuudda ee ku sugan waqooyiga Qaza, waxaana uu muujinayaa in uu sii kordhayo gulufka iska caabbinta muqaawamada reer Falastiin ay kaga hortagayaan duullaanka gumeystaha.
Iska caabbinta Falastiiniyiinta ayaa weli si geesinimo leh u wajaheya ciidamada gumeysiga, waxaana weerarrada noocan oo kale ah ay dharbaaxo gumeystaha.
Waxaa la filayaa in khasaaraha Yahuudda uu sii kordho maadaama dagaalka Qaza uu kusoo badanayo maalmahaan weerarada lala beegsanayo gaadiidka iyo saldhigyada milatari ee gumeysataha.