Afganistaan oo Bilaabaysa Mashruuc Biyo-xireen Cusub si loo Horumariyo Dhaqaalaha Dalka.

56
0

Dowladda Islaamiga ah ee Afganistaan ayaa wada horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka Afganistaan, gaar ahaan kuwa biyaha iyo tamarta, taasoo muhiim u ah xasilloonida, horumarka iyo koboca nolosha bulshada muslim ka ah ee dalkas.

Waxaa  dhawaan la saxiixay heshiis muhiim ah oo u dhexeeya wasiirka biyaha iyo tamarta, Sheekh Mullah Cabdul-Latif Mansuur, iyo madaxa shirkadda Jarmalka iyo Afghan ee “Bakhtar”, Suldaan Axmed Sarwari. heshiiskan wuxuu ku saabsan yahay sameynta daraasad dhameystiran iyo naqshad faahfaahsan oo loo sameynayo biyo-xireenka weyn ee Loori oo laga dhisayo gobolka muhiimka ah ee Qandahaar.

Qodobbada Heshiiska:

•Muddada: Daraasadda iyo naqshadeynta ayaa la dhammeystiri doonaa muddo 18 bilood ah.

•Qiimaha Maalgashiga: Mashruucan waxaa lagu maalgelinayaa 102 milyan oo afghani ah, taasoo ka dhigan maalgelin la taaban karo oo gudaha dalka ah.

Faa’iidooyinka Mashruuca:

1.Keydinta Biyaha: Biyo-xireenka Loori wuxuu xallin doonaa dhibaatooyinka biyo yaraanta ee gobolka Qandahaar, taasoo muhiim u ah beeraleyda iyo dadka deegaanka.

2.Horumarinta Beeraha: Wuxuu taageeri doonaa waraabka beeraha, taasoo sare u qaadi doonta wax-soosaarka dalagga Afganistaan.

3.Korontada iyo Tamarta: Waxa laga fili karaa inuu mustaqbalka wax ka tari karo korontada deegaanka.

4.Shaqo Abuur: Mashruuca wuxuu abuuri doonaa fursado shaqo oo gudaha ah, taasoo sare u qaadi doonta nolosha dadka deegaanka.

5.Difaaca Deegaanka: Biyo-xireennada waxay kaalin ku leeyihiin ka hortagga fatahaadaha iyo maaraynta khayraadka biyaha.

Tallaabadan waxay ka mid tahay qorshaha ballaaran ee Dowladda Islaamiga ah ee Afghanistan ay ku dhiseyso dalka Afganistaan.

Mashruucani waa tusaale ka mid ah dadaalka joogtada ah ee lagu xaqiijinayo madax-bannaanida dhaqaale iyo adeegsiga kheyraadka dabiiciga ah si waafaqsan shareecada Islaamka iyo danta guud ee ummadda Muslimka ah ee reer Afganistaan.

Mashruucyada noocan oo kale ah waxay marag u yihiin in maamulka Islaamiga ahi uu leeyahay aragti fog oo ku saleysan horumar waara, islamarkaana uusan kaliya ku koobnayn sugidda amniga, balse uu xoogga saaray dhinacyada horumarka, adeegyada bulshada, iyo kaabayaasha muhiimka ah.

Dowladda Islaamiga ah waxay shacabka Afghanistan u ballanqaadaysaa inay sii wadi doonto mashruucyada horumarineed ee waafaqsan qiyamka Islaamka iyo maslaxadda dadkeeda.

Mashruuca Biyo-xireenka Loori waa mid ka mid ah tillaabooyin wax ku ool ah oo lagu dhisayo Afganistaanta cusub oo madax-bannaan, hodan ah, nabdoon, iyo lagu dhaqaayo shareecada islaamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here