Dowladda Islaamiga ah Ee Afganistaan Oo Daryeel u Fidisay Dad Nolosha ka Dhacay.

30
0

Maamulka Islaamiga ah ee Afghanistan ayaa mar kale muujiyay dadaalkiisa iyo mas’uuliyaddiisa ku aaddan badbaadinta bulshada muslimka ah ee reer Afganistaan, gaar ahaan dhalinyarada ay la dagtay balwadda, kaddib markii maanta noloshooda dib u heleen ku dhowaad 200 ruux oo mukhaadaraadka isticmaali jiray.

Dadkani waxay hore u ahaayeen kuwo nolosha ka rajo dhigay, oo la noolaa xaalad murugo leh oo ka dhalatay la noolaanshaha saxiibo xun, jawiga fowdo ah iyo daroogo halis badan.

Waxaa la oran karaa waxay la daalaa dhacayeen caafimaad daro iyo nolol la’aan, balse maanta waa tusaale nool oo muujinaya in dadka nolosha ka dhacay la badbaadin karo didaal dheer kadib.

Tani waa guul weyn oo ka tarjumaysa sida maamulka Islaamiga ah uga go’an tahay in uu bulshada la badbaadiyo. Waxaa iyana xusid mudan kaalinta waaxaha caafimaadka, ciidamada ammaanka, iyo ururrada bulshada oo si isku-duuban uga shaqeeyeen sidii dadkani loogu heli lahaa xarumo lagu daweeyo.

Dadka la daweeyay ayaa si farxad leh u sheegay in ay dareemayaan nolol cusub, islamarkaana ay diyaar u yihiin in ay noqdaan muwaadiniin waxtar leh, ayna ka fogaanayan in mar kale ee noloshooda burburiyaan.

Guushan waxay caddeyneysaa in Maamulka Islaamiga ah ee Afganistaan uu ka shaqeynayo dib-udhiska bulshada, islamarkaana uu leeyahay aragti dheer oo ku dhisan mas’uuliyad Islaami ah iyo damiir bani’aadantinimo.

Waa tusaale cad oo muujinaya in dawlad Islaamiga ah ay leedahay nidaam siyaasadeed midka ugu wanaagsan dunida.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here