Kulan Lagu Dardar-gelinayo Horumarinta Dalxiiska Oo Ka Dhacay Afganistaan.

29
0

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta iyo Dhaqanka ee Xukuumadda Islaamiga ah ee Afganistaan, Mawlawi Qudratullah Jamal, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay masuuliyiinta shirkadaha ka shaqeeya howlaha dalxiiska.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo horumarin lahaa adeegyada dalxiiska iyo xalinta caqabadaha hor taagan koritaanka dalxiiska Afganistaan.

Intii uu kulanku socday, waxaa lagu falanqeeyay hababka loo socinaayo adeegyada dalxiiska si loo hubiyo tayadooda, iyadoo loo eegayo xeerarka iyo siyaasadaha dalka.

Mawlawi Qudratullah ayaa caddeeyay muhiimadda ay leedahay in la helo nidaam hufan oo ilaalinaya sumcadda adeegyada la siiyo muwaadiniinta iyo dadka ajnebiga ah ee soo booqda dalka.

Masuuliyiinta shirkadaha dalxiiska ayaa dhankooda soo bandhigay dhibaatooyin ay kala kulmaan howlahooda shaqo.

Waxa kale oo ay soo jeediyeen talooyin iyo fikrado wax ku ool ah oo lagu horumarin karo dalxiiska.

Wasiir ku-xigeenku wuxuu bogaadiyay dadaalka shirkadahani ay ugu jiraan kor u qaadista adeegyada dalxiiska, isaga oo sheegay in dowladda ay si weyn u qiimeyneyso kaalinta ay shirkadahan ku leeyihiin kobcinta dhaqaalaha iyo soo jiidashada martida caalamiga ah.

Wuxuu kale uu Qudratullahi sheegay in waxqabadkooda la qiimeeyay isla markaana natiijooyin wanaagsan laga arkay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here