Wasaaradda Gaashaandhigga ee dawladda Ruushka ayaa sheegtay, in ay difaacyad cirka ee dalkaasi burburiyeen toddobo diyaaradood oo nooca aan duuliyaha lahayn ah oo ay Yukrayn kusoo weerartay gobolada Qiram, Kursk iyo Belgorod. Sidoo kale, war kasoo baxay Moskow ayaa lagu sheegay, in diyaarad nooca “Giran” ah lagu beegsaday bakhaar ay Yukrayn ku kaydin jirtay diyaaradaha drones-ka oo ku yaalla magaalada Kherson, taas oo gebi ahaanba la burburiyey.
Dhanka kale, Yukrayn ayaa wajahaysa weerarro culus oo ka dhacaya gudaha dalkeeda, iyadoo maamulka Kiyeef uu sheegay, in duqeyn Ruushku ka geystay tuulo ku taalla gobolka Kharkif ay ku dhinteen laba qof oo rayid ah. Weerar kale oo gantaal ah oo lagu qaaday magaalada Sumi ayaa sababay dhimashada ugu yaraan saddex qof, halka ay dhaawacyo kasoo gaareen 20 kale. Madaxweynaha Yukrayn, Volodymyr Zelenskyy, ayaa weerarkan ku tilmaamay mid si toos ah loogu bartilmaameedsaday shacabka, wuxuuna xusay in magaalada Sumi ay waayahan la kulmeysay cadaadis isa soo taraya oo kaga imaanaya xuduudda Ruushka.
Weeraradan uu Ruushku ku hayo magaalada Sumi ayaa imaanaya, iyada oo uu Ruushka sheegay in uu doonayo in uu aag difaac ka samaysto gobolka Sumi si uu uga hortago weerarrada kaga imaanaya dhanka Yukrayn. Taliska ciidamada Ruushka ayaa Talaadadii sheegay in ay la wareegeen tuulo cusub oo ku taalla gobolkaasi. Madaxweynaha Yukrayn ayaa horay uga digay in Ruushka uu agagaarka Sumi kusoo ururiyey in ka badan 50 kun oo askari, taasoo uu sheegay inay tahay diyaargarowga weerar ballaaran oo soo wajihi kara Yukrayn, xiisadda labada dal ayaana mar kale cirka isku shareertay, iyadoo dagaalka uu u muuqdo mid aan lahayn xal muuqda.