Amiirka Imaarada Islaamiga ah ee Afganistaan: Gaza Way Gubanaysaa, Mareykan-ka Waa Dambiilaha Koowaad.

22
0

Amiirka Imaaraadka Islaamiga Afghanistan ayaa khudbaddiisa Ciidda si adag u dhaleeceeyay weerarada gardarrada ah ee ay gumeystaha Yuhuudda ku hayaan shacabka Muslimiinta ah ee Gaza.

Amiirka wuxuu si gaar ah u tilmaamay xasuuqa lagu hayo dadka rayidka ah, isagoo ku sifeeyay inuu yahay “dhiig daadis ba’an oo si bahalnimo ah”.

Khudbadda Amiirka ayaa tusaale u ah mowqifka cad ee hogaanka Islaamiga Afghanistan ka qaateen garab istaagga ummadda Muslimka ah meel kasta oo ay ku dulman yihiin.

Amiirka ayaa si cad ugu eedeeyay in dowlada Mareykanka ay tahay dambiilaha koowaad iyo gacanta muuqata ee ka dambeysa dhibaatada ka socota Gaza. Wuxuu xusay in gumeystaha Yuhuudda ay ku kacayaan falalkaas iyagoo helaya gabaad siyaasadeed iyo taageero buuxda oo ka imaanaysa Washington, sida ay horey Mareykanka ugu sameeyeen xasuuqa dalka Afghanistan intii lagu jiray duullaankii 20 sano socday.

Khudbadda Amiirka ayaa iftiimisay xiriirka qoto dheer ee u dhexeeya gumeystaha Israa’iil iyo Mareykanka, taas oo uu ku tilmaamay mid salka ku haysa colaadda iyo cadaawadda ka dhanka ah Muslimiinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here