Amiirka Imaaradda Islaamiga ah ee Afghaanistaan Sheekh Al-Mawlawi Hibatullaah AakhunZaadah oo Jeediyay kalmada Ciidul Adxal 1446 Hijri.

35
0

Amiirka Imaarada Islaamiga ee Afqaanistaan Sheekh Mowlawi Hibatullaah AakhunZaadah ayaa soo saaray bayaanka hambalyada Ciidul Adxa, kaasoo ku socda guud ahaan Muslimiinta caalamka, si gaar ah shacabka muslimka ah ee reer Afqaanistaan.

Furfurasho kaddib wuxuu amiirka Imaarada Islaamiga Afqaanistaan ku billaabay hadalkiisa “Waxaan si kal iyo laab ah munaasabadda Ciidul Adxa ugu hambalyeynayaa dhamaan walaalaha reer Afqaanistaan iyo guud ahaan muslimiinta caalamka, Allaah waxaan weydiisanaynaa inuu idin ka aqbalo dhamaan acmaasha wanaagsan ee aad qabateen maalmahan barakaysan” ayuu yiri Sheekh Mowlahi Hibatullaah.

Isagoo sii wata hadalkiisa wuxuu yiri Amiirka Imaarada Islaamiga Afghaansitaan yiri Walaalahayga muslimiinta ahow mas’uuliyaddeennu maanta waa in aan ka faa’iidaysanno fursadda dahabiga ah ee aan haysano, una hurno dadaal dheeraad ah sidii loo xoojin lahaa nidaamka shareecada, isla markaana loo xaqiijin lahaa guushiisa. Waa in midnimadeenna aan adkayno, masuul kastana uu si feejigan uga warqabo xilka saaran, kuna guto waajibkiisa waqtiga ku munaasibka ah, isaga oo walaaladiisa kale garabka u raaracinaya, lagana fogaado faragelin aan loo baahnayn. Sidoo kale, qof walba waa in uu u hoogaansamaa awaamirta Allaah iyo warxyaabaha uu ka xarimay, isaga oo naftiisa ka hormarinaya ka hor inta uusan cid kale ku dabaqin.

Amiirka Imaarada Islaamiga Afqaansitaan Sheekh Mowlawi Hibatullaah AakhunZaadah, ayaa kalmadiisan hambalyada ah dardaaran guud ugu diray qaybaha bulshada gaar ahaan haldoorka umadda, wuxuuna si gaara ula hadlay culimada, isaga oo tilmaamay in ay saran tahay mas’uuliyad ka weyn oo ka culus mida dadka kale saaran. Wuxuuna Allaah quraankiisa ku yiri:

﴿وَإِذْ أَخَذَ اللَّهُ مِيثَاقَ الَّذِينَ أُوتُوا الْكِتَابَ لَتُبَيِّنُنَّهُ لِلنَّاسِ وَلَا تَكْتُمُونَهُ فَنَبَذُوهُ وَرَاءَ ظُهُورِهِمْ وَاشْتَرَوْا بِهِ ثَمَنًا قَلِيلًا فَبِئْسَ مَا يَشْتَرُونَ﴾

Wuxuu sidoo kale Amiirrku lahadlay Hoggaamiyeyaasha dhaqanka iyo odayaasha beelaha, isaga oo carrabka ku adkeeyay in ay hogaamiyayaasha dhaqanku mas’uuliyad weyn ka saaran tahay hirgelinta shareecada Islaamka, wuxuuna ku la dardaarmay inay tusaale u noqdaan toosnaantaiyo wanaaga, xaqana gaarsiiyaan cidda leh, umuuraha umaddana ay si caddaalad leh u maareeyaan.

Wuxuu Amiirku yir “Waxaa waajib ku ah odayaasha iyo madaxda beelaha in mowqifyadoodu noqdo mid u adeegaya nidaamka shareecada Islaamka, kana shaqaynaya maslaxadda dalka iyo dadkaba. Waa inay dadka u iftiimiyaan runta, iyagoo adeegsanaya khudbadahooda, qoraalladooda, warbixinnadooda, hadalladooda iyo talooyinkooda. Waa in ay dadaal u galaan mideynta ummadda iyo xasilloonida bulshada, kana hortagaan fitnada iyo fowdada, maadaama dadku ay hadalkooda dhegaystaan, fikiradooduna ay saameyn ku leedahay jihaynta bulshada. Tani ayuuna Amiirku ku tilmaamay inay tahay mid ay si wayn odayaal dhaqameedyadu ugu garab istaagi karaan ku dhaqanka shareecada Islaamka.

Amiirka Imaarada Islaamiga ah ee Afqaanistaan wuxuu fariintiisa kusoo hadal qaaday, kaalinta Maxaakiimta Islaamiga iyo waajibaadka diineed ee saaran, wuxuuna yiriDhammaan mas’uuliyiinta iyo garsoorayaasha maxkamadaha dowlada Islaamiga ah, waxaan ugu baaqayaa in ay si dhab ah u qaataan masuuliyaddooda culus, kuna dadaalaan xalinta khilaafaadka iyo xaqsiinta dadka xaqa leh. Waa inaysan kala saarin dadka awoodda leh iyo dadka daciifka ah, balse caddaalad iyo sinnaan ku dhaqaan. Xukunnada Ilaahayna looma eego qofka falka geystay, balse waxaa lagu qiimeeyaa nooca dambiga uu galay. Qudaada maxkamaduhu waa in ay difaacaan kuwa dulman, ka hortagaan kuwa dulmi falayaasha ah, oo si hufan oo dhaqso ah u xalliyaan arrimaha bulshada, iyagoo aan dib u dhac ku jirin.

Wuxuu Sheekh Mowlawi Hibatullaah Aakhunzaadah tilmaamay, in yoolalka ugu sarreeya ee jihaadka iyo naf-hurnimada ay mujaahidiintu galeen tobanaankii sano ee lasoo dhaafay ay ahayd hirgelinta nidaamka shareecada iyo dhaqan gelinta xukunka Allaah. Hadafkan ayaana fulintiisa looga fadhiyaa maxkamadaha Islaamiga ah iyo qudaada, iyaga oo laga rabo tayaynta adeegyada ay bulshada siiyaan.

Wuxuu soo hadal qaaday Amiirka Imaarada Islaamiga ah ee Afghaanistaan dadaalka ay wado wasaaradda faridda macruufka iyo reebidda munkarka, wuxuuna yiri: Wasaaradaha faridda macruufka iyo reebidda xumaanta, waxbarashada iyo tacliinta sare waxaa laga doonayaa in ay laba jibaaraan dadaalkooda, iyaga oo si wadajir ah ula shaqaynaya culimada iyo dadka saameynta leh, si loogu wacyigeliyo bulshada dariiqa Alle, loogu faafiyo camalka kheyrka ah, looguna jihaysto nidaamka shareecada, iyagoo ka shaqaynaya gudashada waajibaadkooda.

Marka laga yimaado horumarka diineed ee ay ku tallaabsadeen reer Afqaanistaan, wuxuu Amiirka Imaarada Islaamiga si gaara ula dardaarmay ganacsatada iyo dadka ku hawlan wax soosaarka dalka, wuxuuna yiri  “Walaalaha ganacsatada iyo warshadleyda waxaa laga codsanayaa in ay dadaalkooda labanlaabaan, si waddanka dib loogu dhiso, loogana dhigo mid isku filan oo ka madax bannaan gacan hoorsiga shisheeyaha. Haddii aan dooneyno in aan xoreynteena iyo madaxbannaanideena ilaalino, kana hortagno hanjabaad kasta, waa in aan garowsanaa in arrintaasi ay maanta ku xiran tahay awoodda dhaqaale. Dhaqaaluhuna wuu kobcayaa marka ganacsiga iyo warshadaha la xoojiyo. Haddaba aynu gacmaha is qabsanno si aynu u dhisno dalkeenna.

Hay’adaha dhaqaalaha ee hoostaga imaaraadka Islaamiga ah ayuu Amiirku u jeediyay in ay ganacsatada iyo warshadleyda siiyaan taageero dheeri ah, una abuuraan jawi ku habboon kobocooda, si ay horumar iyo isbeddel dhab ah u gaaraan.

Isaga oo hadalkiisa sii wata Amiirka Imaarada Islaamiga ah ee Afghaanistaa wuxuu sidoo kale tawjiihaad siiyay wasaaradda arrimaha muhaajiriinta ee Imaaraadka Islaamiga Afghaanistaan, iyo dhammaan hay’adaha kale ee la xiriira, waxuuna ugu baaqay in ay xoojiyaan dadaaladooda ku aadan dib u dajinta dadka muhaajiriinta ah ee dalkooda dib ugusoo laabanaya, gacana ka siiyaan dejintooda, isla markaana u fududeeyaan gaarista gobollada ay kasoo kala jeedaan.

Amiirka Imaarada Islaamiga ee Afqaanistaan Sheekh Mowlawi Hibatullaah AakhunZaadah ayaa si gaar ugu daardaarmay qof kasta oo mas’uul ah inuu shaqada uu haya uu si wanaagsam u guto, kana dheeraada wax walba oo dhaawici kara camalka jamaaciga ah, wuxuuna yiri sheekha isagoo arintaasi ka hadlayay.

“Dhammaan shaqaalaha ammaanka iyo adeegayaasha bulshada ee Imaarada islaamiga ah waa inay ku dadaalaan shaqadooda iyo waajibaadkooda, iskana ilaaliyaan in midba midka kale uu faragelin ku sameeyo hawshiisa, taasina ay keento fowdo, kalsooni darro iyo niyad jab”.

Amiirka Imaarada Islaamiga Afqaanistaan oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale mas’uuliyiinta iyo wullaadda u dardaarmay, inay dareesanaadaan mas’uuliyadda ka saran ilaalinta arimaha bulshada, ayna ka gaabinin u khidmayntooda, aysana ku adkaynin dadka si uu Allaah iyaga ugu fududeeya camalka ay ku jiraan.

“Wakhtiga dadka ha luminina, albaabadiina ha ka xirina, dhageysta cabashadooda iyo talooyinka ay soo jeedinayaan, si uusan qofna qof kale ugu xadgudbin, ruux walbana uu u helo waxa uu mudan yahay: waxa uu Muxaawiyatu Binu Abii Sufyaan ka wariyay Rasuulka NNKH

فعن أبي الشماخ الأزدي، عن ابن عم له من أصحاب النبي ﷺ، أنه أتی معاوية فدخل علیه، فقال: سمعت رسول ﷲ ﷺ يقول: “مَنْ وَلِيَ أَمْرًا مِنْ أَمْرِ النَّاسِ ثُمَّ أَغْلَقَ بَابَهُ دُونَ الْمِسْكِينِ وَالْمَظْلُومِ أَوْ ذِي الْحَاجَةِ، أَغْلَقَ اللَّهُ تَبَارَكَ وَتَعَالَى دُونَهُ أَبْوَابَ رَحْمَتِهِ عِنْدَ حَاجَتِهِ وَفَقْرِهِ أَفْقَرَ مَا يَكُونُ إِلَيْهَا” [ أخرجه أحمد].”

ayuu yiri sheikh mar uu la dardaarmayay dadka uu Allaah ku imtixaanay inay mas’uuliyad u qabtaan Muslimiinta.

Sheekh Mowlawi Hibatullaah Amiirka Imaarada Islaamiga Afqaanistaan ayaa dadka ku booriyay inay adeecaan umarada kuna qancaan xugunkooda ilaaliyaana wada-jirka iyo isku duubnaanta.

Ku adeeca amiirka xukunkiisa iyo go’aanadiisa, waayo addeecidiisa waa waajib, qof walbana waa inuu tixgeliyo taas oo uu ku socdaa daacadaas” ayuu yiri amiirka Amiirka Imaarada Islaamiga ah ee Afqaanistaan isagoo soo qaatay Athar laga wariyay Cumar Binu Khadaab Allaha ka raali noqdee oo ah “ Islaam ma jira jamaaca la’aan, jamaacana ma jirta maamul la’aan, maamulna ma jira daaca la’aan”.

Amiirka ayaa sidoo kale kalmadda hanbalyada ciidda kusoo qaatay, dardaaran ku wajahan arday wax ka baranaysa madaarista diiniga ah, jaamacadaha iyo goobaha kale ee wax lagu barta ee ku yaalla gudaha imaarada Islaamiga ah ee Afghaanistaan.

Wuxuuna u dardaarmay inay ihtimaam siiyaan duruusta iyo waajibaadka saaran, ixtiraam iyo qadarina u hayaan aqoonta, macalimiintooda iyo buugaagtooda, isla markaana ay qadariyaan fursada la siiyay oo ay ka faa’iidaystaan.

“Iska jir! Ha ku lumin wakhtigaaga arrimo aan macno lahayn, ka fogow wax kasta oo wakhtiga luminaya, diirada saar hadafyadaada ugu muhiimsan”. Allaah Cazza Jalla wuxuu yiri:

: ﴿وَالَّذِينَ هُمْ عَنِ اللَّغْوِ مُعْرِضُونَ﴾ [المؤمنون: 3].

Xadiitha rasuulkana wuxuu ahaa.

: “من حسن إسلام المرء تركه ما لا يعنيه” [رواه الترمذي]

Waa inaad ku dadaashaa inaad noqotaan dad aqoon iyo karti u leh u adeegida diinta iyo dadka.”Ayuu yiri Amiirka Imaarada Islaamiga ah ee Afqaanistaan Sheekh Mowlawi Hibatullaah mar uu dardaaran qayyim ah u jeedinayay ardayda dullaabu cilmiga ah.

Amiirka ayaa sidoo kale soo hadal qaaday dad xujaajta ah ee sanadkan 1446 Hijriga ka baxay dalka Afghaanistaan si ay usoo gutaan rukniga shanaad ee diinta Islaamka, isagoona ka codsaday xujayda bayta Allaah inay ku dadaalaan u ducayn dadka Muslimiinta ah ee ku dhiban daafaha caalamka.

Wuxuuna yiri  Amiirka mar uu ka hadlayay xujayda reer Afghaanistaan “Sanadkan, ku dhawaad ​​ Soddon Kun oo Xujey ah oo ka yimid dalka Afgaanistaan ​​ayaa u socdaalay  baytka barakeysan ee Alle si ay u soo gutaan waajibaadka xajka, waxaan xujayda sharafta leh iyo dhamaan xujayda aduunka dacaladiisa ka kala imanaysa ee xaadiri doonta labada masaajid ee xurmada leh ka codsanaynaa in aysan ducada naga hilmaamin anaga iyo dhamaan umada muslimiinta ahba”

Bayaanka hambalyada Ciidul adxaa ee kasoo baxay Amiirka Imaarada Islaamiga Afqaanistaan, wuxuu kusoo hadal qaaday qadiyadda Filastiin, isagoona ku baaqaay in si degdeg ah loo joojiya xasuuqaas.

“Kama suulin duulaanka Yahuudda wuxuushnimada iyo gardarrada ah ee ka dhanka ah haweenka, carruurta iyo Muslimiinta dulman ee Qazza iyo qeybo kale oo Falastiin ka tirsan inuu weli sii socda, tani waxay ka dhigan tahay dembi weyn oo bani Aadantimo iyo caddaalad darro weyn. Imaarada islaamiga ah ayaa markale ku baaqayso inay garab taagantahay shacabka dulman ee reer Falastiin, waxayna si kulul u cambaaraynaysaa cadaalad darada iyo xadgudubyada lagu hayo shacabka reer Falastiin, waxana dalbaynaa in si deg-deg ah loo joojiyo.

Gebegebadii, wuxuu bayaanka kasoo baxay Amiirka Imaarada Islaamiga ah ee Afqaanistaan guud ahaan muslimiinta caalamka gaar ahaan shacabka Afqaanistaan ugu hanbalyeeyay munaasabadda ciidul Adxaa Mubaarak.

“Waxaan marlabaad ugu hambalyeynayaa dhamaan umada muslimiinta ah munaasabadda ciidul adxaa ee barakeysan. Waxaan Allaha awooda leh uga baryayaa inuu idinka aqbalo cibaadadiina, alla baryaygiinna, iyo xajkiina, uuna idiin daa’imo farxad iyo nabad waarta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here