Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushka ayaa ku dhawaaqday in ciidamadeedu ay horumar dhanka dhulka ah ka sameeyeen gobollo dhaca dalka Yukrayn, weeraradan ayaa qayb ka ahaa howlgallo milatari oo sii xoogaysanaya oo uu Ruushku ka wado gudaha Yukrayn, gaar ahaan dhulka waqooyi bari ee gobolka Sumi, iyada oo ciidamada Ruushku ay u jiraan wax ka yar 18 km magaalada Sumi.
Ciidamada Ruushka ayaa sidoo kale sheegtay, in ay bartilmaameedsadeen xarumo lagu kaydiyo hubka, laguna farsameeyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee darooniska. Weeraradan ayaana lagu beegsaday 139 goobood oo milatari ah oo ku yaalla gudaha dalka Yukrayn.
Hawgaladan ayaa kusoo beegmaya iyada oo uu madaxwaynaha Yukrayn Faladamiir Zalaniski uu qayladhaan u dirsaday dawladaha reer galbeedka, isaga oo sheegay in ciidamada Ruushku ay qarka u saran yihiin inay ku guulaystaan gulufkii ay kusoo qaadeen dalka Yukrayn.