Milatariga Al-Shabaab oo Dagaal Kula Wareegay Talis Ciidan oo Ku Yaalla duleedka degmada Moqokori.

29
0

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaaab ayaa maanta dagaal kula wareegay talis ciidan oo ciidamada dowladda Fadaraalka  ku lahaayeen nawaaxiga deegaanka Mooro-erri ee duleedka degmada Moqokori ee wilaayada Hiiraan.

Ciidamada dowladda Fadaraalka  oo dagaalka lagu jabiyey sida ay xaqiijiyeen ilo rasmi ah ayaa waxaa gaaray khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh, waxaana goobta loogu tagay maydadka 4 askari oo dagaalka lagu dilay, halka dhaawacana uu gaaraya 8 kale.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here