Ugu yaraan 8 askari oo Kenyan ah oo lagu Dilay Weerar Kamiin ah oo ay Ciidamada Al-Shabaab ka Fuliyeen Gobolka Mandheera.

108
0

Wararka ka imaanaya gobolka waqooyi-bari ee dalka Kenya ayaa sheegaya in ugu yaraan siddeed askari oo ka tirsan ciidanka dowladda Kenya la dilay, kaddib weerar kamiin ah oo ay fuliyeen dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Weerarkan ayaa ka dhacay nawaaxiga deegaanka Haluungo, oo ku yaalla gobolka Mandheera, halkaas oo ciidamo Kenyan ah oo kolonyo ah ay ku socdaalayeen.

Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, iyaga oo khabarkan ku sheegay war kooban oo ay ku baahinyeen baraha ay ku leeyihiin Internateka. Waxay sidoo kale sheegeen, in weerarkan uu qeyb ka yahay howlgalada joogtada ah ee ay kaga hortagayaan joogitaanka ciidamada Kenya ee gudaha Soomaaliya.

Dhanka kale, saraakiisha difaaca Kenya ayaan wali si rasmi ah u xaqiijin tirada khasaaraha, hase yeeshee ilo ka ag dhow taliska ciidamada ayaa sheegay in baaritaanno degdeg ah ay socdaan, si loo qiimeeyo baaxadda waxyeellada iyo laamaha weerarka fuliyay.

Weerarkan wuxuu kusoo beegmayaa xilli ay sii kordhayaan weerarrada ay Al-Shabaab ka fulinayaan gudaha Kenya, gaar ahaan gobollada dhaca xuduud beenaadka, taasoo dhalisay walaac xoogan oo ku saabsan ammaanka ciidamada Keenyaanka ah ee halkaas ku leh xarumaha. Waxaa jira baaqyo isa soo taraya oo ku aaddan in Kenya ay dib u eegto siyaasadeeda militari ee Soomaaliya, iyadoo shacabka iyo qaar ka mid ah xildhibaannada gobolka ay ku baaqayaan in ciidamada dib looga soo saaro Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here