Iiraan oo Saraakiil iyo Saynisyahanno Badan ku Waysay Weerar Culus oo ay Diyaaradaha Yahuuddu ka Fuliyeen Gudaha Dalkaas.

16
0

Saaka waaberigii hore, diyaaradaha dagaalka ee maamulka Yahuudda ayaa si lama filaan ah u weeraray caasimadda Iiraan ee Tehran iyo magaalooyin kale oo muhiim ah, taasoo si weyn u kicisay xiisadda u dhaxaysa labada dal. Warbaahinta Iiraan ayaa xaqiijisay in duqeymahaasi ay ka dhaceen xaafado kala duwan, gaar ahaan dhanka bari iyo koonfur-galbeed ee Tehran. Sida ay sheegtay wakaaladda Tasnim, weerarka ayaa lagu dilay taliyihii guud ee Ilaalada Kacaanka Iiraan, Janaraal Xuseen Salaami, isagoo ku sugnaa xarunta ugu sarreysa ee taliska ciidamada.

Weerarka ayaa la sheegay inuu beegsaday goobo kala duwan oo ay ku jiraan xarumo cilmi-baaris Nukliyeer, saldhigyo ciidan, xarumaha sirdoonka iyo goobo lagu farsameeyo gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn. Warbaahinta Yahuudda, oo si weyn u tabisay hawlgalkan, ayaa sheegtay in duqeymuhu ay ahaayeen afar marxaladood oo is-daba joog ah. Waxaa sidoo kale lagu bartilmaameedsaday hoggaamiyeyaasha sare ee ciidamada Iiraan, saynisyahanno caan ah sida Mehdi Tehranchi iyo Fereydoon Abbasi iyo weliba saldhigyo muhiim ah oo ku yaalla gobollada Tabriz, Kermanshah iyo Natanz.

Taliska ciidamada Yahuudda ayaa sheegay, in weerarku uu qeyb ka yahay howlgal ballaaran oo magaciisa lagu sheegay “Libaxa Kacaya” isla markaana la qorsheeyey dhowr maalmood kahor. Raysal Wasaaraha Yahuudda, Benjamin Netanyahu, ayaa ku tilmaamay hawlgalkan mid taariikhi ah oo lagu doonayo in lagu burburiyo awoodda Nukliyeer ee Iiraan, isagoo xusay in yoolka ugu weyn uu yahay “baabi’inta halista Nukliyeerka ee Tehran”. Wasiirka difaaca Yahuudda Yisrael Katz ayaa isna ku dhawaaqay xaalad degdeg ah, isagoo qirtay in Yahuuddu ay filayso weerarro gantaallo iyo diyaarado drone ah oo kaga yimaada Iiraan.

Dhanka kale, Iiraan ayaa si kulul uga jawaabtay weerarkan, iyadoo ku eedeeysay Yahuudda iyo Maraykanka in ay mas’uul ka yihiin “fal dambiyeedka bahalnimada ah” ee lagu qaaday dalkooda. Ilaalada Kacaanka ayaa ballan qaaday inay qaadi doonaan weerar aargoosi ah. Waxaa sidoo kale la xaqiijiyay in tiro dad rayid ah lagu dilay duqeymaha, iyadoo la sheegay in ilaa 5 qof ay dhinteen iyo in ka badan 20 qof ay ku dhaawacmeen xaafadda Narmak ee bariga Tehran.

Wararka ugu dambeeyay waxay tilmaamayaan in Yahuuddu ay sii wado duqeymaha iyadoo diyaaradaha dagaalka ay weli dul heehaabayaan hawada Iiraan, halka ay dawladaha deriska sida Ciraaq ay xireen hawadooda. Garoonka diyaaradaha Imam Khomeini ee Tehran ayaa la xiray, waxaana la arkayay qiiq iyo dab ka kacaya xarumo badan. Magaalada Tehran gudaheeda waxaa laga maqlayay jug weyn, waxaana laga cabsi qabaa in dagaal toos ah uu qarxo, taas oo khatar weyn gelin karta Bariga Dhexe oo horey u kacsanaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here