Warbaahinta Gumeystaha: Waxaa La Filayaa in Trump uu Saxiixo Amar Madaxweyne Si uu Dagaalka Ugu Biiro Saacadaha Soo Socda.

34
0

Warar laga helay warbaahinta gumeystaha Yahuuda, gaar ahaan kanaalka 14, ay sheegaya in warbixinno ka imaanaya Maraykanka ay muujinayaan in madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, la filayo inuu saxiixo amar madaxweyne oo rasmi ah si uu dalkiisa uga qayb qaato dagaalka milatari ee ka dhanka ah Iiraan.

Warbixinta ayaa tilmaamaysa in tallaabadan laga yaabo in la qaado saacadaha dhow ee nagu soo fool leh, taas oo laga cabsi qabo inay horseedi karto isbeddel weyn oo ku yimaada xaaladda militari ee gobolka, gaar ahaan haddii Maraykanku si toos ah uga qaybqaato dagaalka uu gumeystaha Yahuuda ku qaaday dalka Iiraan.

Si rasmi ah loma xaqiijin warbixinta ilaa iyo hadda, balse haddii ay rumoowdo, waxay noqon doontaa isbeddel weyn oo ku yimaada siyaasadda Maraykanka ee loolanka ka socda Bariga Dhexe. 

Waxa kale oo ay sare u qaadaysaa walaaca laga qabo in uu dagaalka ku faafo dalal kale oo gobolka ka tirsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here