Inka Badan 50 Ruux oo Dhimasho iyo Dhaawac Ku Noqday Duqeymo ay RSF ka Fuliyeen Galbeedka Suudaan.

8
0

Xogaha inaga soo gaaraya dalka Suudaan ayaa tilmaamaya, in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee maleeshiyaadka Taageerada Degdegga ah ay saacadihii lasoo dhaafay duqeymo ka geysteen magaalada Al-Faashir ee waqooyiga gobolka Daarfuur ee galbeedka Suudaan.

Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka ee gobalkaas ninka lagu magacaabo Ibraahim Khaadhir ayaa sheegay, in weerarkaas ay ku dhinteen 13 qof oo ay ku jireen afar carruur ah, halka ay ku dhaawacmeen 42 qof oo sidoo kale ay kamid yihiin 14 carruur ah, kuwaas oo qaarkood xaaladoodu liidato.

Xoogagga Taageerada Degdega ah ayaa xoojiyey weerarrada iyo go’doominta ay ku hayaan magaalada Al-Faashir, taasoo keentay in waxyaabihii aasaasiga u ahaa noolasha bani Aadamka ay gabaabsi ka noqdaan magaalada, iyadoo ay intaasi u dheertahay duqeymaha ay la beegsanayaan gobaha rayidka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here