TV lagu magacaabo NTV oo laga leeyahay dalka Jarmalka ayaa baaritaan uu dhawaan sameeyay daaha ka qaaday, in sanduuqyo rasaas ah oo ay ku qoran yihiin calaamado Kenyaan ah laga helay keydka hubka ee ciidamada Taageerada Degdegga ah, kaas oo ku yaalla meel u dhow caasimadda Suudaan ee Khartuum, TV-ga ayaana baahiyay siwirro uu ku cadaynayo arinkaas.
Balse afhayeenka dowladda Kenya ayaa war rasmi ah oo uu soo saaray ku beeniyay cadaymahaas, isagoo baaritaanka uu sameeyay TV-gaas ku tilmaamay, mid dicaayaad ah, waxa uu sidoo kale tibaaxay, in dowrka Kenya ee arimaha Suudaan uu yahay mid ku kooban dawr nabadeed, waa sida uu hadalka u dhigaye.
Waxaa xusid mudan, in dowladda Kenya ay magaalada caasimadda ah ee Nayroobi ku martigelisay xubno ka tirsan ciidamada Taageerada Degdegga ah, kuwaas oo shir ku qabsaday halkaas kuna dhawaaqay, inay dhisayaan xukuumad barbar socoto tan Suudaan, arinkaas oo ay dowladda Suudaan uga ficelisay, inay joojisay dhammaan badeecadaha laga keeno Kenya.