Wasaaradda Gaashaandhigga ee dawladda Ruushka ayaa maanta shaaca ka qaaday in ciidamadeedu ay horumar ballaaran ka sameeyeen jihooyin kala duwan oo qayb ka ah aaggaga ay ku socdaan howlgalada millatari ee gaarka ah, iyaga oo sidoo kale sheegtay, in ay khasaaro culus gaarsiiyeen ciidamada Yukrayn.
Bayaan faahfaahsan oo kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay, in Guutooyinka Waqooyi ay hormaro la taaban karo ku talaabsadeen, iyaga oo qabsaday difaacyo ay lahaayeen ciidamada Yukrayn oo ku yaalla magaallo dhacda gobolka Sumi. Waxaa sidoo kale bayaanka lagu xusay dagaallo culus oo ka dhacay deegaanno kala duwan oo ka tirsan gobolka Kharkiif, halkaas oo laga dilay in ka badan 165 askari, laguna burburiyay saddex gaari oo gaashaaman, lix madfac iyo saddex bakhaar oo ay ku jireen rasaas iyo sahay ciidan.
Dhinaca Guutada Galbeed, waxay ciidamada Ruushku sheegeen inay la wareegeen magaalooyin dhaca gobalkaas iyaga oo sheegay, inay dileen ku dhawaad 220 askari, lana burburiyay gaari dagaal, sideed baabuur oo nooca caadiga ah, labo xarumood oo laga hagayay weerarada elektarooniga ah iyo afar bakhaar oo ay ku kaydsanaayeen rasaas iyo hub badan. Dagaladan ayaana kusoo beegmaya xili ay Yukrayn garabkeeda ka baxeen xulufadii reer galbeedka ee ay ku tiirsanayd, kuwaas oo ku mashquulsan xiisada ka taagan bariga dhexe.