Xubin ka tirsan Guddiga Amniga Qaranka ee Baarlamaanka dalka Iran, ayaa shaaciyay in baarlamaanku uu gaaray go’aan horudhac ah oo ku saabsan in la xiro marinka muhiimka ah ee Hormuz.
Marinka Hormuz ayaa ah mid ka mid ah marinada ugu muhiimsan ee saliidda caalamka laga dhoofiyo ay maraan.
Ismaaciil Khothari, ayaa sheegay in go’aankan uu yahay mid lagu muujinayo jawaab adag oo Iran uga hortagayso xadgudubyada iyo hanjabaadaha kaga imanaya Maraykanka iyo xulafadiisa, balse go’aanka kama dambaysta ah wuxuu sugayaa ansixinta Golaha Sare ee Amniga Qaranka ee Iran.
Hadalkan ayaa imanaya xilli xiisadda gobolka ay sare u kacday kaddib weerarro lagu qaaday xarumaha nukliyeerka Iran iyo culeysyada sii kordhaya ee ka dhashay faragelinta reer Galbeedka dagaalka u dhexeeya gumeystaha Yahuuda iyo Iran.
Xiritaanka marinka Hormuz wuxuu saameyn weyn ku yeelanaya dhaqaalaha caalamka, maadaama in ka badan 20% saliidda caalamku ay halkaas marto.