Xukuumadda New Delhi ayaa xaqiijisay inaysan dib u dhaqan-galin doonin heshiiskii Wabiga Sindi ee ay la gashay dowladda Bakistaan, iyadoo ku hanjabtay inay dib u soo celin doonto xiisadda iyo huumaga dagaalka ee ay kula jirto deriskeeda Bakistaan.
Wasiirka arrimaha gudaha ee Hindiya ninka lagu magacaabo umiit Shaah ayaa wareysi uu shalay siinayay wargeyska Tiymis of Hindiya ku sheegay, in Hindiya aysan dib u howlgelin doonin heshiiskii biyaha ee wabiga Sindi, kaas oo oo ay la gashay Islama-Baad.
Mas’uulkan oo hadalkiisa sii wata ayaa intaasi ku daray, in biyaha ku qulqulaya Bakistaanna loo weecin doono dhanka gobalka Rajastaan ee dhaca waqooyi-galbeed ee waddanka Hindiya, iyadoo loo marayo waddada ah in halkaasi laga qodo kanaallo. Wasiirka arrimaha gudaha ee Hindiya ayaa ku goodiyay, in Bakistaan laga mamnuuci doona biyaha ay ku heli jirtay waxa uu ku tilmaamay sabab la’aan.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Bakistaan ayaan weli ka jawaabin hadalladan, balse waxay horay u sheegtay, in heshiiska uusan ku jirin qodob u ogolaanaya hal dhinac inuu ka baxo, iyo in xannibaad kasta oo lagu sameeyo qulqulka biyaha wabiga ee gudaha Bakistaan loo qaadan doono fal dagaal.
Hadalkan kasoo yeeray xukuumadda New Delhi ayaa lagaa yabaa inuu markale dib usoo cusboonaysiiyo colaad ka dhex qaraxdo labadan dowladood ee ku hubaysan hubka sida daran wax u gumaada ee Nukliyeerka.