Iran oo Mowjada Cusub oo Duqeymo ah ku Qaaday Yahuudda Gumaysiga ku Haysato Falastiin.

18
0

Jabhadda gudaha ee Yahuudda ayaa ku dhawaaqay, in illaa afar mowjadood oo is-xiga xiga oo gantaallo ah ay Iiraan saaka ku garaacday waqooyiga illaa koonfurta dhulka ay Yahuuddu gumaysato ee Falastiin.

kanaalka 13-aad ee Yahuudda ayaa sheegay, in afar gantaal oo ay soo gantay Iiraan ay haleeleen saddex goobood oo ku yaalla koonfurta  iyo hal bartitmaameed oo ku yaalla waqooyiga, halka gantaal kale uu ku dhacay koonfurta magaalada Qudus ee la haysto.

Dhawaqa seeriga ayaana si joogto ah maanta uga qaylinayay dhamaan dhulka ay Yahuuddu gumaysato ee Falastiin. Taas oo Kanaalka 13-aad ee Yahuudda uu ku tilmaamay, inay tahay muddada ugu dheerayd ee dhawaaqa seeriga tan iyo markii uu billowday dagaalka ka dhanka ah Iiraan.

Dhanka kele, warbaahinta Iiraan ayaa ku warantay, in ciidamadooda cirka ay saaka soo rideen diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn oo ay leedahay Yahuudda, taas oo dul heehaabaysay hawada magaalada Kharam-abaad ee dalkaas.

Gumaystaha Yahuudda ayaana qirtay, in diyaaradaasi laga soo riday, isagoo sidoo kale qirtay inay tahay tii afaraad oo laga soo rida tan iyo markii uu duulaanka ku qaaday Iiraan, inkasta oo tirada ay sheegtay Iiraan ay intaasi ka badan tahay.

Lama oga khasaaaraha ka dhashay duqeymihii xalay iyo kuwa saaka ee ay Iiraan ku qaaday dhulka ay Yahuuddu gumaysato ee Falastiin, iyadoo madax iyo mijaba dadka Yahuudda ah ay ku cadaaban yihiin godadka dhulka hoostiisa uga qodan, maadaama seeriga digniinta bixiya uu maanta ahaa mid xiriir ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here