Iran oo Xukunno Dilal ah Ku Fulisay Basaasiin u Shaqaynayay Sirdoonka Yahuudda.

11
0

Wakaalladda Wararka ee Miizan Niyuus ee laga leeyahay dalka Iiraan ayaa sheegtay, in maanta saddex qof lagu fuliyay xukun dil ah, kadib markii lagu eedeeyay inay basaasiin u ahaayeen hay’adda sirdoonka Yahuudda ee lagu magacaabo Muusaad iyo inay dalkaasi soo galiyeen qalab loo adeegsada dilalka qorsheysan. Wakaalada wax faahfaahin ah kama bixinin nooca qalabkaas ay wadeen iyo shaksiyadda dadka la toogtay.

Si kastaba ha ahaatee, Iiraan ayaa horay xukunno dilal ah ugu fulisay dhowr qof oo lagu helay inay wax u basaasayeen sirdoonka Yahuudda iyo inay u fududeeyeen howlgallada ay ka fuliyaan dalkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here