Millatariga Suudaan oo Sheegay Inay Maleeshiyaadka RSF kala Wareegeen Deegaanno Horleh.

14
0

Ciidamada Suudaan ayaa Arbacadii shalay ku dhawaaqay, inay dib ula wareegeen gacan ku haynta deegaano ka tirsan Gobolka Niilul Azraq ee Koonfur-Bari ee dalkaasi, kadib markii ay halkaasi ka dhaceen dagaallo dhexmaray iyaga iyo Maleeshiyaadka Taageerada Degdegga ah iyo koox kale oo hubaysan oo ka dagaalama gobalkaas.

Afhayeen u hadlay ciidanka Suudaan ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay, in ciidamadooda ay u suurtagashay, inay maleeshiyaadka RSF kala wareegaan deegaanka Bildaqo iyo nawaaxigiisa, ee koonfurta gobolka Niilul Azraq.

Ciidanka Suudaan ayaa gacanta ku haya qaybo badan oo ka mid ah Gobolkaas, waxayna dadaal ugu jiraan inay xukunkooda hoos geeyaan qaybaha ka maqan gacantooda ee ka tirsan gobalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here