Xukuumada shiicada ah ee Iiraan ayaa weerar loo adeegsaday sawaariikhda dheeraysa ku weerartay inta badan xarumaha ugu waawayn ee uu Maraykanku ku leeyahay gobalka, waxaana qayb ka ahaa goobaha la weeraray saldhiga ugu wayn ee uu Maraykanku ku leeyahay mandiqadda loogu yeero Bariga dhexe ee Al-Cadiid.
Saldhigan ayaa ku yaalla koonfur-galbeed magaalada Dooxa ee dalka Qadar, waana xarunta milatari ee ugu weyn ee uu Mareykanku ku leeyahay Bariga Dhexe. Waxaana la aas-aasay sanadkii 1996-dii, kaas oo hoy u ah in ka badan 10 Kun oo askari oo u badan ciidamada cirka ee Mareykanka, ciidamada boqortooyooyinka Qadar, Ingiriiska iyo ciidamo kale oo isku dhaf ah oo laga kala keenay daafaha caalamka.
Khuburada falanqaysa arimaha siyaasada ayaana aaminsan, hadii ay Iiraan ku gulaysato burburinta saldhigan, inuu Maraykanku waayi doono doorka siyaasadeed ee uu ku leeyahay mandiqada Bariga dhexe, taas oo mugdi galin karta joogitaankiisa gobalka, maadaama Saldhiga Al-Cadiid uu barkulan u yahay hawgalada Maraykanka.
Saldhiggani wuxuu sidoo kale xarun u yahay Taliska Dhexe ee ciidamada Mareykanka ee loo yaqaano Sentkoom oo mas’uul ka ah hawlgallada millatari ee uu Mareykanku ka wado mandiqadaha Bariga Dhexe, Latin Ameerika iyo qaar ka mid ah dalalka Aasiya.
Saldhiga Al-Cadiid ee la kulmay weerarka Xukumada Shiicada ah ee Iiraan ayaa door weyn ka qaatay duulaanadii is xigxigay ee ay ciidamada Maraykanku ka fuliyeen dalalka Afghanistan iyo Ciraaq Labaatankii sano ee lasoo dhaafay, waxaana yaalla inta badan qalabka ugu casrisan ee ay wataan ciidamada Maraykanka oo ay kamid yihiin boqolaal diyaaradood oo nooca dagaalka ah, beegsiga xaruntan ayaana uga dhigan Maraykanka, khalkhal amni midkii ugu horeeyay oo ay saldhigyadiisu la kulmaan tan iyo markii la aas-aasay in kabadan 20 sano.
Dawladda Qatar ayaa saldhiggan ku maalgelisay in ka badan 8 Bilyan oo Doolarka Maraykanka ah, taas oo ka dhigtay mid casri ah oo si weyn uga caawisa ciidamada Mareykanka joogitaankooda gobolka, hase ahaatee himilooyinkaas ayaa u muuqda kuwo la kulmaya culays wayn oo kaga imaanaya dhanka xukumada Tehraan, taas oo isku dayaysa inay falcelinteeda ku wajahdo danaha Maraykanka ee gobalka, iyada oo horay ugu hanjabtay beegsiga dhamaan saldhigyada Maraykanka ee ku yaalla Bariga dhexe.