Inka Badan 30 Qof oo Dhimasho iyo Dhaawac ku Noqday Weerar Toogasha ah oo ka Dalka Mexico.

10
0

Dad fara badan ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday dalka Mexico ee dhaca Waqooyiga qaaradda Ameerika, kadib markii rag hubeysan ay rasaas ku fureen goob ay xaflad ka socotay oo ku taalla magaalo lagu magaacaabo Iiraab-waatoo oo dhacda gobalka Guwaanaa-Khuwaatoo ee dalkaas.

Gadoomiyaha magaaladaas ayaana sheegay, in weerarkan oo dhacay galabnimadii shalay oo Arbaco ahayd ay ku nafwaayeen 12 qof, halka ku dhawaad ​​20 kalena ay ku dhaawacmeen.

Haweenayda madaxweynaha ka ah dalka Mexico ayaa sheegtay, inay aad uga xun tahay weerarkan, iyadoo tilmaantay, in mas’uuliyiinta ay fureen baaritaan ku aadan dhacdadan.

Bishii hore, Toddobo qof ayaa lagu dilay toogasho sidoo kale lala beegsaday xaflad ka socotay magaalo ku taalla isla gobalka Guwaanaa-Khuwaatoo, gobalkaas oo la sheegay, in kaligiis laga diiwaan geliyay 1,435 kiis oo dilal ah shantii bilood ee ugu horreysay sanadkan 2025-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here