Ku Dhawaad 30 Arday oo ku Dhintay Dalka Afrikada Dhexe kaddib Markii uu Dab Ka Kacay Xarun Waxbarasho.

9
0

Dalka Afrikada dhexe oo ku yaalla bartamaha qaaradda ayaa waxaa ka dhacay qarax culus oo uu sababay dab koronto, kaas oo nafta dhaafiyay tobanaan arday oo imtixaan ku galayay mid kamida xarumaha wax barasho, halkaas oo ay ku sugnaayeen in kabadan 5 kun oo arday.

Ugu yaraan 29 arday ayaa ku naf waayay qaraxan oo ka dhacay magaalada Banghii ee caasimadda Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, kaddib markii uu qarxay mid kamida baalasha korontada safriya ee magaaladaas, intii lagu guda jiray maalintii labaad ee imtixaanka dugsiga sare.

Dalka Afrikada Dhexe oo ka mida wadamada la daalaadhacaya dib u dhacyada ay ka dhaxleen gumaystaha Cadaanka ah gaar ahaan Faransiiska, ayaa haatan wajahaya culaysyo ku aadan bad qabka korontada iyo xakamaynteeda awoodeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here