In kabadan 15 Qof oo ku Geeriyooday Daadad Xooggan oo Ku Dhuftay Gobollo Ka Tirsan Dalka Pakistan.

8
0

Roobab ka da’ay dalka Bakistaan ayaa sababay dhimashada dad badan, kaddib markii daadad xooggan ay ku dhufteen goobo la dagan yahay oo ka agdhawaa dooxooyinka dalkaas, iyada oo wali la’layahay dad hor leh, kuwaas oo loo badinayo inay biyihu qaadeen.

Hay’addo maxali ah oo ka hawgalla Bakistaan ayaa sheegay, in ugu yaraan 10 qof ay ku dhinteen gobolka Bunjaab, halka gobolka buuraleyda ah ee waqooyi galbeed Bakistaan, ay ku geeryoodeen 5 qof isla markaana la la’yahay 12 kale.

Masiibooyinka rabaaniga ah ayaa inta badan saamayn xooggan ku yeesha bulshooyinka ku dhaqan dalka Bakistaan, gaar ahaan dadka ku nool goobaha ka agdhaw dooxooyinka dalkaas, kuwaas oo si joogto ah uga barakaca goobahaas xiliyada roobka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here