Ruwaanda iyo Koonga oo kala Saxiiday Heshiis ay Kusoo Afjarayaan Colaaddii u Dhexeysay.

14
0

Dowladaha Ruwaanda iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koonga ayaa heshiis nabadeed maalintii shalay ku kala saxiixday magaalada Waashitoon ee waddanka Mareykanka, kaas oo looga gol leeyahay, in lagu soo afjaro colaad ba’an oo Tobannaan sano soo jiitameysay oo u dhaxeysay labadan dal ee deriska ah.

Wasiirada arrimaha dibadda ee labada dal ayaa waxa ay kala saxiixdeen heshiis dhigaya, in la dhaqan geliyo heshiis ay labada dal horay u gaareen sanadkii 2024-ka, kaas oo dhigayay, in ciidamada Ruwaanda ay uga baxaan bariga Koonga muddo 90 maalmood gudahood ah.

Inkasto oo faahfaahinta heshiiskan ay tahay mid aad u yar, haddana waxa kamida qodobo ku baaqaya, in si shuruud la’aan hub ka dhigis loogu sameeyo kooxaha hubeysan ee ka dagaalamaya bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo.

Warbaahinno caalami ah ayaa ku waramay, in kadib markii ay dowladda Koongo lumisay dhul balaaran ay caawimaad waydiisatay Mareykanka, iyadoo Washitoon u balan qaaday helitaanka macdanta muhiimka ah ee ku jirta dalkeeda si ay u hesho damaanad-qaad amni.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here