Maleeshiyaadka RSF ee Suudaan oo Ka Hadlay Xabad Joojin la Filayo Iney ka Dhaqan Gasho Magaalada Al-Faashir.

13
0

Maleeshiyaadka Dacmu sariic ama RSF ee ka dagaalama dalka Suudaan ayaa sheegay, inaysan helin wax xiriir ah oo ku saabsan qorshaha xabbad joojinta ah ee lagaga dhawaaqay magaalada Al-Faashir ee xarunta gobolka Waqooyiga Daarfuur ee galbeedka Suudaan, sida uu warbaahinta u xaqiijiyay, lataliyaha dhanka qaanuunka ee Ciidamada Taageerada Degdegga ah, ninka lagu magacaabo Maxamed Mukhtaar Nuur, kaas oo waraysi lala yeeshay daaha ka qaaday mawqifkooda ku aadan xabad-joojintaas.

Waxa uu Mukhtaar carrabka ku adkeeyay, in Ciidamadoodu aysan aqbali doonin xabbad joojin, ha noqoto mid ku meel gaar ah ama si kalaba, taas oo ka dhacda magaalada Al-Faashir ama degaannada kale, isagoona ku andacooday, in magaalada Al-Faashir waqti xaadirkan aysan ku nooleen dad rayid ah dadka ku suganna ay yihiin dagaalyahano gacan saar la leh ciidamada Suudaan, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Jawaabtan ayaa imaanaysa maalin kadib, markii madaxa golaha madaxbanaanida ahna taliyaha guud ee ciidamada Suudaan Cabdi Fateex Al-Burhaan uu ogolaaday dalab ku baaqaya, xabad joojin bini’aadantinimo oo mudo todobaad ah ka hirgasha magaalada Al-Faashir, si gargaar bani Aadantimo loo gaarsiiyo kumanaan rayid ah oo ku go’doonsan gudaha magaaladaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here