Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni oo 80 jir ah ayaa ku dhawaaqay, inuu yahay musharax madaxwayne isla markaana uu ka qaybgalayo doorashada madaxtinimo ee la qorsheynay inay ka dhacdo dalkaas bilawga sanadka soo socda ee 2026-ka, taasoo haddii uu ku gulaysto mudada uu kursiga ku fadhiyo ka dhigayso 40 sano.
Museveni ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa “X”, ku shaaciyay musharraxnimadiisa isagoo sheegay, in haddii uu xilka ku guulaysto uu kor u qaadi doona dhaqaalah dalkaas, taas oo kamida balan-qaadyada afka baarkiisa ah ee looga bartay inta badan madaxda Afrika.
Horaantii sanadkan, mid kamida hogaamiyaasha mucaaradka ee kursiga kula loolamaya Museveni ayaa ugu baaqay dhalinyarada, ururada bulshada rayidka ah, iyo dhamaan ciidamada dalka Uganda inay soo afjaraan xukunka Yoweri Museveni ee afartan sano jirsaday.
Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa lagu tiriyaa mid ka mid ah madaxweynayaasha ugu xukunka dheer Afrika oo wali xukunka hayo, isagoo talada Uganda la wareegay sannadkii 1986-kii.
Waxaana dhowr jeer loo doortay madaxweyne, kadib doorashooyin ka dhacay dalkaas oo ay hareeyeen dhaleecayn baahsan, isagoo lagu eedeeyay inuu geystay xadgudubyo culus oo ka dhan ah xuquuqda Aadanaha.