Waxaa maalintii shalay duleedka magaalada Muqdisho lagu dilay darawal lagu magacaabi jiray Xuseen Yuusuf Deereed.
Ehelada marxuumka ayaa sheegay in dilka uu si toos ah uga dambeeyay guddoomiye waaxeed ka tirsan deegaanka Gubadleey ee magaalada Muqdisho.
Sida ay sheegeen ehelada marxuumka waxa uu la kulmay cadaadis iyo hanjabaado lagu qasbayay inuu codkiisa siiyo dhinac gaar ah, balse markii uu diiday ama ka caga jiiday, ugu dambeyn waxaa loo dilay si arxan darro ah.
Mid ka mid ah ehelada oo la hadlay warbaahinta ayaa yiri:
“Wiilkeenna waxa uu ahaa darawal is kiisa u shaqeysan jiray, mana uu gelin wax danbi ah. Waxa kaliya ee lagu dilay waxay ahayd in la rabay in si qasab ah loogu khasbo cod bixin, arintaas uu ka biyo diiday. Waxaan codsaneynaa in dowladda Federaalka ay baaritaan dhab ah sameyso oo cadaalad la helo.”
Dhacdadan ayaa si weyn uga careysiisay bulshada deegaanka, iyadoo dad badan ay ku baaqeen in sharciga la hor keeno cidda ka dambeysay dilkaas.
Sidoo kale, waxaa sare u sii kacay walaaca ku saabsan isticmaalka awoodda iyo caburinta lagu sameeyo muwaadiniinta xilliyada doorashooyinka ama codeynta ay jiraan.
Ilaa hadda, ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay maamulka degmada ama dowladda Federaalka oo si faahfaahsan uga hadlaya sababta rasmiga ah ee dilkaas dowladu u geysatay.
Ehelka marxuum Xuseen Yuusuf Deereed ayaa ugu dambeyn ku celceliyay codsigooda ku aaddan in ay helaan cadaalad, lagana hortago in dhacdooyinka noocan oo kale ah ay ku soo noqnoqdaan dadka rayidka ah ee aan hubka wadan.