Tiro Dad oo Dhimasho iyo Dhaawac ku Noqday Weerar Midiyayn oo ka Dhacay Jarmalka.

10
0

Booliska dalka Jarmalka ayaa shaaca ka qaaday, in hal qof uu ku dhintay laba kalena ay si xun ugu dhaawacmeen, kadib markii ruux isticmaalayay qalab aad u af badan uu weerar ku qaaday shirkad ku taalla koonfurta dalkaas.

Booliska ayaana intaasi ku daray, in weerarkan midiyaynta ah uu dhacay subaxnimadii hore ee shalay oo Talaadada ahayd, uuna fuliyay mid kamida shaqaalaha shirkadda, taas oo ku taalla magaalo lagu magacaabo Miilrishtaat ee Koonfurta waddanka Jarmalka, iyagoo tibaaxay, in kooxaha gurmadka degdegga ah ay gargaar caafimaad u fidinayeen dadka lagu dhaawacay gudaha shirkaddaas.

Booliska dalka Jarmalka ayaa sidoo kale sheegay, in ninkaas shirkadda u shaqaynayay ee falkaas geystay uu u dhashay dalka Jarmalka, waxa ayna tilmaameen, in aysan jirin wax calaamado ah oo muujinaya, in weerarkan uu ahaa mid siyaasadeed ama mid argagixisnimo, oo ay ula jeedaan Muslimiinta kaligood duulka ah ee weerarrada ka fuliya gudaha waddamada reer galbeedka.

Dalka Jarmal ayaa sidaan oo kale waxaa dhowr jeer ka dhacay weerarro midiyayn ah oo dad badan ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here