Subaxnimadii hore ee saaka waxaa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ku burburtay diyaarad nuuceedu ahaa Helicopter oo ay lahaayeen ciidamada shisheeya ee duulaanka ku jooga dalka.
Diyaaraddan oo si gaar ah ugu burburtay nawaaxiga garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ayaa lagu soo waramayaa, inay lahayd Dowladda Uganda, islamarkaana ay saarnaayeen 8 xubnood, kuwaas oo dhammaantood la xaqiijiyay iney geeriyoodeen.
Ma ahan markii ugu horay oo diyaarad ay leeyihiin ciidamada shisheeya ay ku burbur dalka Soomaaliya.