Waxaa lagu soo waramayaa, inay ciidamada dowladda Fadaraalka isaga firxadeen deegaanno istiraatiiji ah oo dhaca bariga gobalka Hiiraan, kadib markii ay ka war heleen inay kusoo wajahan yihiin millatariga Al-Shabaab oo dhawaanahan kusii siqayay deegaanno horleh oo ka tirsan bariga Hiiraan.
Ciidamada Xarakada MujaahidiintaAl-Shabaab ayaana saaka si nabad ah kula wareegay deegaanada kala ah Gumarre, iyo Xagare oo hoos yimaada degmada Moqokori ee gobalka Hiiraan, kadib markii ay halkaasi isaga carareen ciidamada dowladda Fadaraalka ee ku sugnaa.
Deegaanka Gumarre wuxuu qiyaastii 9 km u jiraa Moqokori, halka deegaanka Xagare uu isna 12 km u jiro isla magaalada Moqokori ee bariga Hiraan.
Saddax maalin unbaa laga joogaa, markii ay Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab si nabad galyo ah kula wareegeen gacan ku heynta deegaanka Ceel-qooxle ee dhaca Bariaga Hiiraan, kadib markii ay isaga firxadeen askarta dowladda Fadaraalka ee deegaankaasi ku sugnaa.
Waxaana helnay sawirro laga soo qaaday ciidamada Xarakada mujaahidiinta Al-Shabaab oo si buuxda u maamulaya deegaanka Gumarre ee hoostaga degmada Moqokori ee bariga gobalka Hiiraan.
Hoos ka eeg sawirrada deegaanka Gumarre