Dalka Bakistaan ayaa lagasoo sheegayaa inuu ka dhacay qarax culus oo ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen xubno ka tirsan dawladda, kaddib markii gaari ay saarnaayeen saraakiil dowladeed lala beegsaday qarax miino oo dhulka lagu aasay, hawgalkan ayaana ka dhacay deegaanka Baja’uuri ee gobolka Khayber, sida ay xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan dawladda.
Qaraxan ayaana si gaar ah uga dhacay wadada loo yaqaano Nawaghaayi, waxaana ku dhintay 5 xubnood oo ay ku jiraan labo askari, labo sarkaal oo sare iyo qof kale oo goobta ka agdhawaa, sida ay sheegeen dad goob-joogayaal ah oo ku sugnaa halka uu qaraxu ka dhacay,
Waxaa sidoo kale la xaqiijiyay in 11 qof oo kale ay dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen hawgalkan, kuwaas oo durbaba loola cararay xarumaha caafimaadka ee magaalada Khaybar si loogu daweeyo.
Dawladda Bakistaan ayaa la daaladhacaysa hawgalada ay fulinayaan ururada ka jira dalkaas ee kasoo horjeedo ciidamada dawladda, weeraradan ayaana kusoo beegmaya xili gobalka Khybar iyo gobolada lamidka ah muudooyinkan dambe ay saameeyeen fatahaadaha ka dhashay roobabka xooggan ee dhawaan ka da’ay dalkaas.