Wasiir Hore oo Raashiyaan ah oo Lagu Xukumay 13 Sano oo Xarig ah.

12
0

Maxkamad ku taalla magaalada Mosko ee caasimadda Ruushka ayaa ku xukuntay 13 sano oo xarig ah wasiir ku xigeenkii hore ee wasaaradda difaaca ee Ruushka ninka lagu magacaabo Taymuur Iifanoof, kadib markii lagu helay inuu lunsaday 3.9 bilyan oo lacagta Ruushka ah, taas oo qiyaastii u dhiganta 50 milyan oo Doolarka Mareykanka ah, waana mid ka mid ah kiisaskii ugu caansanaa ee musuqmaasuqa ee soo mara ciidamada Ruushka tan iyo bilowgii dagaalka Yukrayn.

Arintaani ayaa qayb ka ah ol-ole ballaaran oo ay bilaabeen mas’uuliyiinta Ruushka tan iyo sannadkii hore si ay u dacweeyaan saraakiisha sar-sare ee militariga Ruushka oo lagu eedeeyay musuqmaasuq.

Waxaana illaa iyo hadda dacwad lagu soo oogay in ka badan Toban qof, oo ay ku jiraan laba wasiir ku xigeen oo hore, kuwaas oo horay jagooyin uga soo qabtay wasaaradda gaashaandhigga ee Ruushka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here