Yukrayna oo Duqeyn Ku Dhishay Mid kamida Saraakiisha ugu Sareeyo Ciidamada Badda ee Ruushka.

17
0

Wararka kasoo baxaya dagaalka u dhaxeeyo Ruushka iyo Yukrayn ayaa ku waramaya, in taliye ku xigeenka ciidamada badda ee Ruushka, lagu dilay weerar gantaal ah oo ay ciidamada Yukrayn ku qaadeen xarun talis oo ay millatariga Ruushka ku leeyihiin gobolka Kurask ee dhaca xadka labada dal.

Gadoomiyaha gobolkaas ayaa shaaca ka qaaday, in Major Mikhail Gudkovoo ahaa taliye ku xigeenka ciidamada badda ee Ruushka la dilay isagoo gudanayay waajibaadkiisa shaqo, uuna ku baxay duqayn ay diyaaradaha Yukrayn ku qaadeen mid kamida magaalooyinka dhaca gobolka Kurask.

Gudkovoo waa mid ka mid ah saraakiisha ugu caansan Ruushka ee la dilay tan iyo bilowgii dagaalka Ruushka iyo Yukrayn.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa u magacaabay taliye ku xigeenka ciidamada badda ee Ruushka bishii Maarso ee la soo dhaafay, waxaana intii uu shaqada ku jiray uu helay dhowr billada oo millateri.

Balse Yukrayna ayaa muddo dheer ku eedaysay inuu galay dambiyo dagaal oo iyada ka dhan ah, waxayna ugu danbayntii ku guulaysatay inay ka takhalusto sarkaalkaas oo ay meesha ka saarto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here