Muqaawamada Falastiin ayaa shaaca ka qaaday, inay dhex dhexaadiyayaasha u gudbiyeen jawaabtii ay ka bixiyeen hindisaha heshiiska xabad joojinta ee la filayo inuu ka hir-galo marinka Qazza, kadib markii ay dhamaystireen wadatashiyo gudaha ah oo ay la yeesheen kooxaha iska caabinta ee Falastiiniyiinta.
Muqaawamada ayaa xaqiijisay, in jawaabta ay ka bixiyeen ay tahay mid wanaagsan isla markaana ay si dhab ah ugu diyaar garoobeen inay si degdeg ah u galaan wada xaajood ku saabsan hirgelinta heshiiska xabad-joojinta ee la filayo inuu si rasmi ah uga dhaqan galo marinka go’doonsan ee Qazza.
Dhanka kale, kanaalka 12 ee Yahuudda ayaa soo xigtay ilo rasmi ah oo ka tirsan maamulka Sahaayinada oo aan la magacaabin kuwaas ooo sheegay, in Yahuudda ay dhexdhexaadiyeyaasha ka heshay jawaabta Muqaawamada Falastiin ee ku saabsan soo jeedinta xabbad joojinta.